Qaybta ducooyinka iyo adkaarta (Alle xuska)
J: "Allaahumma lakal xamdu Anta kasowtaniihi, as-aluka min kheyrihi, wa kheyri maa sunica lahu, wa acuudu bika min sharrihi, wa sharri maa sunica lahu" "Allow Ammaan Iyo mahad oo dhan Adigay kuu sugnaadeen, Adigaa i siiyey (dharkan), waxaan ku weydiisanayaa kheyrkiisa iyo kheyrka loo sameeyay, waxaana kaa magan galayaa sharkiisa iyo sharka loo sameeyay". Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud iyo At-Tirmidi.
J- Ash-hadu an laa ilaaha illal Laahu waxdahu laa shariika lahu, wa ash-hadu anna Muxammadan cabduhu wa Rasuuluhu" "Waxaan qirayaa inuusan jirin ilaah xaq lagu caabudo Alle mooyee, ma jiro cid wax la wadaagta, waxaan qirayaa oo kale in Muxammad yahay addoonkiisa iyo Rasuulkiisa". Waxaa soo weriyey Muslim.
J: Bismillaahi walajnaa wa bismillaahi kharajnaa wa calaa Rabbinaa tawakalnaa". "Magaca Alle ayaan ku galnay, magaca Allena waan ku baxnay, Rabbigayagana waan tala saaranay, kaddib wuxuu salaami reerkiisa". J: Bismillaahi walajnaa wa bismillaahi kharajnaa wa calaa rabbinaa tawakalnaa.
"Magaca Alle ayaan ku galnay, magaca Allena waan ku soo baxnay, Rabiganagana waan tala saarannay, kaddib wuxuu salaami reerkiisa." Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud.
J: Waxaan odhanayaa wuxuu dhahayo mu'addinku, markase uu soo gaaro mu'addinku (xayya calassalaah xayya calal-falaax oo ka dhigan u kaalaya salaadda, u kaalaya liibaanta) waxaan dhahayaa (laa xawla walaa quwwata illaa billaah, oo ka dhigan: ma jiraan xeelad iyo xoog midda Alle laga helo mooyee). Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.
J: "Waxaad ku sallin Nabiga s.c.w.". Waxaad ku sallin Nabiga s.c .w. oo odhan: Ash-hadu an laa ilaaha illal Laahu waxdahu laa shariika lahu, wa ash-hadu anna Muxammadan cabduhu wa Rasuuluhu. "Waxaan qirayaa inuusan jirin ilaah xaq lagu caabudo Alle mooyee, ma jiro cid wax la wadaagta, waxaan qirayaa oo kale in Muxammad yahay addoonkiisa iyo Rasuulkiisa. (Wuxuu dhahayaa hadalkaas, ashahaadada mu-adinka kaddib).
- Waxaadna odhan: "Allaahumma Rabbi hadihid dacwati attaamah wassalaatil-qaa'imah aati Muxammadan al-wasiilah, wal fadiilah wab cath-hu maqaaman maxmuudan alladii wacadtahu"
Allow Rabbiga dacwadan dhammaystiran lahow, iyo salaadda oogan, sii Muxammad (sallallaahu calayhi wasallam) wasiilada (oo ah darajo jannada ka mid ah) iyo darajo dadka dheer, soo saarna Maalinta Qiyaamada isagoo taagan meel la mahadiyay, kaasoo aad u ballan qaadday". Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari.
- Waxaad duceysan aadaanka iyo iqaamada dhexdooda, waayo ducada waqtigaa lama soo celiyo oo waa la aqbalaa".
J: Waxaan akhrin Aayatul Kursi: "Allaah, ma jiro Ilaah xaq lagu caabudo aan Isaga aheyn, waa Weligi Noolaha, Daryeelaha waxa uunka jira, ma qabato lulmo iyo hurdo midna. Wuxuu leeyahay wax walba oo ku sugan samooyinka iyo dhulka. Waa kuma kan agtiis shafeeco qaadi kara isagoo loo idmo maahee? Wuxuu ogsoon yahay waxa hortooda ah intay dunida ku sugan yihiin iyo waxa ka dambeeya ee sugaya Aakhiro. Ma koobi karaan (kuwuu abuuray) wax ka mid ah Cilmigiisa wuxuu doono ma’ahee. Kursigiisu wuu ka ballaadhan yahay oo koobaa samooyinka iyo dhulka, mana cusleeyaan ilaalintoodu, waana Sarreeyaha Weyn". [Suuradda Al-Baqarah: 255].
2. Oo waxaan akhrin: Magaca Alle ayaan ku billaabayaa, Allaha naxariista guud iyo midda gaar ahaaneedba iska leh. (Dheh: Allaah waa Mid Keliya (Axad ah aan wax shariig ah lahayn). 2- Alle waa Sayidka Deeqtoon (ma baahdaha loo wada baahan yahay). 3- Ma dhalin (ma leh ilmo), lamana dhalin (ma leh waalid - aabbe iyo hooyo - iyo xaas midna). 4- Ma jiro qof u dhigma (Alle oo la mid ah ama la barbar dhigo). [Suuradda Al-Ikhlaas: 1-4] Seddex jeer.
Magaca Alle ayaan ku billaabayaa, Allaha naxariista guud iyo ta gaar ahaaneedba iska leh. 1- (Dheh: Waxaan ka magan galay Rabbiga oogga (dillaacsha), 2- Sharka wuxuu abuuray; 3- Iyo sharka habeenka mugdiga badan markuu mugdigiisu daboolo (samada iyo arlada dhexdooda). 4- Iyo sharka kuwa wax ku tufa guntimaha ( saaxirooyinka). 5- Iyo sharka xaasidka markuu wax xasdo. [Suuradda Al-Falaq: 1-5] Seddex jeer.
Magaca Alle ayaan ku billaabayaa, Allaha naxariista guud iyo midda gaar ahaaneedba iska leh. 1- (Dheh: Waxaan ka magan galayaa Rabbiga dadka. 2- Boqorka dadka. 3- Ilaaha dadka. 4- waxaan ka magan gali Sharka waswaasiyaha (sheydaanka) soo noqnoqodka badan. 5- Kaasoo waswaasiya laabaha dadka. 6- (Shaydaankaa) oo jin iyo dadba leh. [Suuradda An-Naas: 1-6] Seddex jeer.
3. "Allahumma anta Rabbii laa ilaaha illaa Anta khalaqtanii wa anaa cabduka wa anaa calaa cahdika wa wacdika mastadactu, acuudu bika min sharri maa sanactu wa abuu'u laka binicmatika calayya wa abuu'u bidambii faqfirlii fa innahu laa yaqfira ddunuuba illaa Anta" "Allow Adigu waxaad tahay Rabbigay, ma jiro ilaah xaq ah Adiga mooyee, Adigaa i abuuray, aniguna waxaan ahay addoonkaaga, waxaana ku suganahay ballankaagii iyo yaboohaagii intaan awoodo, waxaan kaa magan galayaa sharka aan sameeyay, waan kuu qirayaa nicmadda aad ii nicmaysay, waana qirayaa denbigayga, ee ii denbi dhaaf, ma dhaafo denbiyada Adiga mooyee». Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari.
J: "Alxamdulillaahi". "Ammaan iyo mahad oo dhan Alle ayaa leh". walaalkiisna ama saaxiibkiis ha ku yidhaahdo:"Yarxa- mukallaah".
"Allaha kuu naxariisto". Marka uu ku dhaho yarxamukallaah, ha yidhaahdo: "Yahdiikumullaahu wayuslixu baalakum" Alle ha idin hanuuniyo, hana hagaajiyo arrimahiinna". Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari.
J: "Subxaanaka Allaahumma wa bixamdika ash-hadu an laa ilaaha illaa anta astaqfiruka wa atuubu ileyk". "Allow xumaan waad ka hufan tahay mahadna Adaa leh, waxaan qirayaa inuusan jirin ilaah xaq lagu caabudo Adiga mooyee, denbi dhaaf ayaan ku weydiisanayaa, waana kuu toobad keenayaa'. Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud, At-Tirmidi iyo qeyrkood.
J: Bismillaah, alxamdu lillaah {subxaanalladii sakhkhara lanaa haadaa, wa maa kunnaa lahu muqriniin, wa innaa ilaa Rabbinaa la munqalibuun". [Suuradda Az-Zukhruf: 13- 14]. Alxamdu lillaahi, alxamdu lillaahi, al- xamdu lillaahi, Allaahu akbar, Allaahu akbar, Allaahu akbar, Subxaanaka Allaahumma innii dalamtu nafsii faqfir lii, fa-innahu laa yaqfira dunuuba illaa Anta". "Magaca Alle ayaan ku fuulayaa, mahad Allaa leh, waxaa xumaan ka nasahan Alle oo noo sahlay kan, mana nihin kuwo kara leyligiisa innaguna xagga Rabbigayo yaannu u noqoneynaa. mahad Allaa leh, mahad Allaa leh, mahad Allaa leh, Allaa weyn, Allaa wayn, Allaa weyn, Allow Adigaa xumaan ka fog, anigu waxaan dulmiyey naftayda, ee ii denbi dhaaf, ma dhaafo denbiyada Adiga mooyee". Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud iyo At-Tirmidi.
J: "Allaahu akbar, Allaahu akbar, Allaahu akbar, «subxaanalladii sakhkhara lanaa haadaa wamaa kunnaa lahuu muqriniin wa innaa ilaa rabbinaa la munqalibuun} {Allaahumma innaa nas'aluka fii safarinaa haadaa al-birra wa taqwaa, wa minal camali maa tardaa, allaahumma hawwin calaynaa safaranaa haadaa, wadwi cannaa bucdahu, Allaahumma anta saaxibu fi safri, wal khaliifatu fil ahli, Allaahumma innii acuudu bika min wacthaa-safari, wa ka'aabatal mandari, wa suu'il munqalabi fil maali wal-ahal). Allaa weyn, Allaa weyn, Allaa weyn, waxaa nasahan Alle oo noo sahlay kan, mana nihin kuwo kara leyligiisa innaguna xagga Rabbigayo ayaan u gaddoomaynaa. Allow waxaan ku weydiisanaynaa socdaal kayagan, wanaag iyo taqwo (cabsi Alle) iyo camal aad raalli ka tahay, allow noo dhib-yaree safarkayagan, fogaanshihiisana, noo soo duub, Allow Adigaa ah saaxiibka safarka, iyo Kan maqnaantayo og arrimaha ehelkayo (dadkaan ka socdaalnay), Allow waxaan kaa magan galayaa rafaadka safarka, iyo muuqaal xumo mugdiga habeenka, iyo nasiib xumo hadday ahaan laheyd maalka iyo dadkeygaba».
Markuu soo laabtana wuxuu dhihi wardigan oo ku ziyaadin: "Aayibuuna, taa'ibuuna, caabiduuna, li Rabbinaa xaamiduun"
"Waan soo laabannay innagoo toobad keen ah, caabudayna Alle, Rabbigayagana mahadinayna". Waxaa soo weriyey Muslim.
J: Laa ilaaha illallaahu waxdahu, laa shariika lahu lahulmulku wa lahulxamdu yuxyii wa yumiitu, wa huwa xayyun laa yamuut, biyadahil khayr, wahuwa calaa kulli shay-in qadiir" "Ma jiro Ilaah xaq lagu caabudo Alle mooyee Keligii, ma laha cid wax la wadaagta, wuxuu leeyahay boqornimo wuxuuna leeyaahay mahadda, Isagaa wax nooleeya, isagaanaa wax dhinsiiya, wuuna nool yahay nolol daa'im ah, mana dhinto, Gacantiisa ayuu kheyrku ku sugan yahay, wax kastana wuu Karaa". Waxaa soo weriyey At-Tirmidi iyo ibnu Maajah.
J: "Allaahumma salli calaa Muxammadin wa calaa aali Muxammad, kamaa sallayta calaa Ibraahiima wa calaa aali Ibraahiima, innaka xamiidun majiid. Allaahumma baarik calaa Muxammadin wa calaa aali Muxammad, kamaa baarakta calaa Ibraahiima wa calaa aali Ibraahiima, innaka xamiidun majiid" Allow ku salli Muxammad, iyo reer Muxammad, sidaad ugu salliday Ibraahiim, iyo reer Ibraahiim, Adigu waxaad tahay (Allow) Mahad Badane, Sharaf Badan. Allow barakee Muxammad, iyo reer Muxammad, sidaad u barakeysay Ibraahiim, iyo reer Ibraahiim, Adigu waxaad tahay (Allow) Mahad Badane, Sharaf Badane". Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.
********